Skip to content Skip to sidebar Skip to footer
Qawl iyo Ficil.
Fiid wanaagsan;
Waxaa farxad wayn ah in la bilaabo wajiga labaad ee Marinnada Jidka isku xidha Madaarka Garaad Wiilwaal iyo isgoyska wadada Wajaale ee caasimadda Deegaanka Soomaalida, Jigjiga. Jidkan oo ku xidhmi doona mashruuca Horumarinta Marinnada (Corridor Development) ee magaalada Jigjiga, wuxuu beddelayaa muuqaalka iyo meeqaamka Jigjiga ay ku dhex leedahay dalka , Deegaankaba Iyo Gayiga Soomaalida.
Si loo xoojiyo isku xidhnaanshaha jidadka magaalada, waxaa kale oo la isku xidhay Jidka 30ka (bypass Road) iyo Jidka Taalada Sayidka oo ka soo bilaabma xudunta Jigjiga.
Siyaasada magaalaynta Xisbiga Barwaaqo iyo Xukuumaddu waxaa ka muuqata lagana gaadhay natiijo wanaagsan. Xisbiga Barwaaqo iyo Xuukamaddiisa wuxuu sii xoojin doonaa, haddii Alle idmo, natiijada wax ku oolka ah ee uu ka gaadhay Marinnada magaalooyinka.
Shacabwaynaha caasimadda oo door wayn ka qaatay hirgalinta Mashruuca Marinada Magaalada, waxaan mar labaad ka codsanayaa in ay qayb kasii ahaadaan wajiga labaad ee barnaamijkeenna magaalaynta caasimada.
Waxaan guubaabinayaa doorkii sharfanaa ee shacabka caasimaddu ku garab istaagay wajigii koowaad ee mashruuca nidaaminta jidadka caasimadda.
Hoggaamintu waa xalinta dhibaatooyinka iyo ka jawaabidda doonista sii kordhaysa ee dadka.
Inta aan xilka joogno, waxaa ina faran dadaal iyo dulqaad waxaan rabaa in aan caddeeyo in albaabka Xukuumaddu iyo Xisbigu u furunyahay dhagaysiga tabashooyinka, talo bixinta iyo toosinta wax garadka bulshada iyada oo qof walba meeqaamkiisa lagu qaabilayo Xisbi siyaasadeed, oday dhaqameed, culimo, Ganacsato, Aqoonyahan ama summadaha la isku yaqaano ee sharciyada qoran ama kuwa la Isla ogolyahay Cid walbana doorkeeda kaliya lagala hadli ee maha ujeedo badan ama sheekhul kullinimo.
Alle ha inoo barakeeyo Dalka Iyo Dadka.
Mudane Mohamed shaale
Madaxa xafiiska xisbiga barwaqo