Skip to content Skip to footer
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska ee JDFI, Marwo Salmawit Kaasa, ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruucan oo wax ka beddeli doona nolosha bulshada danyarta ah ee ku nool degmada Haroorays.
Guryahan oo ay fulinayso Wasaaradda Dalxiiska ee JDFI, ayaa loo dhisayaa qoysaska hayntoodu ay hooseyso ee degan guryaha duuga ah ee degmada ama aan haysanba. Waxaa sida oo kale la siiyay guud ahaan agabkii waxbarashada 800 oo arday oo dhigata dugsiyada kala duwan ee degmada.
“Barnaamijkan waa mid wax weyn ku soo kordhin doona nolosha bulshada, maadaama uu yahay mid wax loogu qabanayo danyarta magaalada,” Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.
Qorshahan ayaa looga golleeyahay barnaamijka tabarucaadka billaha xagaaga ah. Barnaamijkan ayaa lagu caawiyaa bulshada danyarta ah, isla markaana lagu fuliyaa qorshayaal waxtar u leh bulshada, waana qorshe guud oo uu qaatay Xisbiga talada haya ee Barwaaqo.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in isbeddelkii kaddib degmada Haroorays ee gobolka Faafan laga hirgeliyay in ka badan 60 mashruuc oo taabanaya nolosha bulshada, isla markaana laga qoday saddex ceel biyood si baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada loo daboolo.
Hadafka Xisbigeenu waa hormar loo dhan yahay.