Skip to content Skip to footer
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta dhexe ee Xisbiga Mudane Aaden Faarax ayaa ayaa gaadhay Magaalada Hawassa ee Magaalo Madaxda dowlad deegaanka Sidama.
Wafuiga Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga barwaaqo ayaa markii ay gaadheen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hawassa waxaa ku soo dhaweeyay madaxwaynaha dwlad deegaanka Mudane Desta Ledamo oo ay weheliyaan madaxda ugu saraysa deegaanka, odayaal dhaqameed iyo dhalinyarada Magaaladaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga barwaaqo iyo Waftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Hawaassa waxa ay xadhiga ka jari doonaan dhisma Xafiiska Xisbiga barwaaqo laanta deegaanka Sidaama oo lagu dhisay ka qayb galka xubnaha Xisbiga.