Skip to content Skip to footer
“Hambalyo dhammaan shacabka waynaha Itoobiya markale kale guusha aan ka gaarnay socdaalkeena dhinaca sugnaanta cuntada iyo isbeddelka horumarneed ee beeraha. Maanta waxaan heshiis wadaag maalgelin ah ku kala saxiixday Hay’adda Maalgelinta Itoobiya (Ethiopian Investment Holdings) iyo Shirkadda Dangote Industries Limited si loo dhiso Warshada bacriminta (fertilizer complex).
Mashruucan oo ku kacaya $2.5 bilyan, ayaa sanad walba soo saari doona illaa 3 milyan oo tan oo bacriminta ah, taas oo Itoobiya ka dhigi doonta mid ka mid ah wax soo-saarayaasha ugu waaweyn caalamka.
Mashruucan wuxuu abuuri doonaa fursado shaqo oo gudaha ah, wuxuuna xaqiijin doonaa in beeralaydeennu helaan sahay bacrimin oo lagu kalsoonaan karo, isagoo astaan u noqon doonaa tallaaboyinka muhiim ah ee an kugaadhayni jidka madax-bannaanida cuntada. Waxa kale oo uu xoojin doonaa tartanka Itoobiya ee qaaradda, isagoo muujinaya go’aankeena adag ee ah inaan fulinno maalgelin istaraatiiji ah oo faa’iido u leh Bulshadeena iyo mustaqbalka dalkeena”.
H.E. Abiy Ahmed Ali (PhD)