Skip to content Skip to footer
Kulamo iyo xidhiidh sanad ku dhawaad socday kadib waxaa maanta Jigjiga lagu saxeexay heshiis Hay’addaha Children’s Investment Fund Foundation (CIFF) oo kaashanaysa UNDP ay ku qodayso 20 ceel oo dhaadheer iyo biyogelin dhamaystiran, kaas oo ay ku baxayso lacag ka badan 6 million oo Doollar (oo u dhiganta ku dhawaad 1 bilyan oo Birr). Mashruucan ayay ka faaiideeysan doonaan dad gaadhaya ilaa iyo 150,000 oo qof.
Waxaa maanta la bilaabay qodaalka 7dii ceel ee ugu horaysay oo lagu xoojin doono biyaha magalaadda Jigjiga, iyadoo ceelashan laga qodayo agagaarka Dhoobaale ee Santarka Daadhi oo aan ka fogeeyn ceelashii horay magaaladdu uga cabi jirtay ee Waaji. Ceelashan ayaa la filayaa inay soo kordhiyaan biyo gaadhaya 4500m3 (metric cube) maalin walba, taas oo wax wayn ka badali doonta xaaladda biyaha ee Caasimadda.
Waxaa kale oo Mashruucan, oo ceel walba ay la socoto biyogelin 10km ah iyo laydhka Solarka ah, ka faaiideeysan doona Magaalooyinka Shiniile, Araarso, Birqod, iyo Dhanaan.
 
Mustafa Omer, SRS president