Waxaana Bulshada qayb heeda kala duwan xuskan kala qayb galay masuuliyiinta Xisbiga iyo xukuumadda oo uu ugu horeeyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awooda Xisbiga Barwaaqo laanta D.D.S Mudane Cabdiraxman Axmed Xasan.
Xuska munaasabadan oo qayb ka ah 5-ta maalmood ee baagume ee loo asteeyay in si guud loogu xuso geeddi-socodka horumarineed ee dalka iyo deegaanka ayaa maalintan loo asteeyay in la xuso dib usoo kabashadii Itoobiya ay samaysay haday tahay dhanka mashaariicda, horumarka guud iyo midnimada ummaddaba.
Gabogabadii munaasibadana waxaa goobta dalxiiska ee Shabeeley lagu sameeyay dhirbeeris lagu maamuusayo maalintan.





