Xuska Maalinta Adkaysiga ee 1-da bisha baagume oo Dalka loo asteeyay Maalinta Adkaysiga oo hal ku dhag looga dhigay “Midnimadu waa damaanada adkaysigeena”, ayaa si heer sare ah loogu maamuusay magaalada Jigjiga.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Xuseen Xaashi (Ph.D), Kuxigeenka Xafiiska Nabadgalyada DDS Mudane Idiris Jibriil, saraakiisha Ciidanka Difaaca Qaranka, Booliska Federaalka, Ciidanka Deegaanka, odayaasha, golaha nabada iyo midnimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horayn Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS iyo kuxigeenka Hoggaanka Nabadgalyada ayaa saaray calanka JFDI iyo kan Deegaanka Soomaalida.
Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha DDS Xuseen Xaashi (Ph.D) ayaa sheegay in Maalinta Adkaysiga ay tahay mid gundhig u ah Amniga iyo Horumarka aynu maanta haysano, isagoona sheegay in marwalba ay mudan yihiin in loo mahadceliyo hay’adaha amniga.
Ugu dambayn waxaa munaasabada lagu soo bandhigay marxaladihii iyo guulihii kala duwanaa ee ay deegaanka usoo hooyeen hay’adaha nabadgalyadu.


